Skip to content
Thursday, September 24, 2026 11 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:50
Muqdisho 29°C
Breaking: Solidarity demonstrations continue across Somalia in support of Türkiye
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Liverpool Oo 23 Milyan Ugu Iibisay Xiddigeeda Mustaqbalka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
skysports-rhian-brewster-liverpool_5105473

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay inay weeraryahanka Rhian Brewster ka iibiyeen kooxda Sheffield United oo ka ciyaarta isla horyaalka Premier League.

20 jirkaan ayaa heshiis 23.5 milyan ginni ah uga tagay kooxda Liverpool ka dib markii uu fursad ka heli waayay tababare Jurgen Klopp.

Laakiin Liverpool ayaa heshiiska ay ku iibiyaan da’ yarkaan waxay ku dareen qodob ah inay dib u soo iibsan karaa mustaqbalka taasoo muujineysa in Reds ay weli rajo ka qabto xiddigaan iyo tayadiisa.

Liverpool waxay heysataa muddo seddex sannadood ah oo ay dib u soo ceshan karto Rhian Brewster halka ay sidoo kale heli doonaan dhaqaale gaaraya boqolkiiba 15 haddii mustaqbalka ay Sheffield United ciyaaryahankaan ka iibiso koox kale.

Rhian Brewster ayaa heshiis shan sannadood ah u saxiixay kooxda Sheffield United isagoo noqonaya xiddigii ugu qaalisanaa ee ay kooxdaan soo iibsato.

20 jirkaan ayaa durbaba tababar la bilaabaya kooxda Sheffield United balse lama oga haddii uu ciyaari karo kulanka ay isbuucaan la dheelayaan kooxda Arsenal.

Sheffield United ayaa saxiixa xiddigaan waxay ka dulqaaday ilaa lix kooxood oo Premier League ah oo ay ku jiraan Aston Villa, Newcastle, Brighton iyo Crystal Palace.

Liverpool ayaa ogolaatay inay fasaxdo xiddigeeda ka soo baxay akadeemiga si uu khibrad ugu yeesho koox heerka koowaad ah halka ay sidoo kale u baahnaayeen inay soo ceshtaan qeyb ka mid ah lacagtii uga baxday heshiisyadii Thiago Alcantara iyo Diogo Jota oo wadar ahaan gaareysa 70 milyan ginni.

How do you rate this story?

0 votes