Koox Ingariis Ah Oo La Saxiixatay Daaficii Ugu Qaalisanaa Ee

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay saxiixa Wesley Fofana oo 40 milyan euro uga soo iibsadeen kooxda Faransiiska ee St Etienne.

19 jirkaan ayaa heshiis shan sannadood ah u saxiixa kooxda maanta oo Jimce ah isagoo tijaabada caafimaadka ku maray dalka Jarmalka, wuxuuna ku biirayaa Leicester ka hor kulankooda Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan West Ham.

Leicester City ayaa bixisay 35 milyan euro oo kaash ah iyo shan milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Heshiiskaan ayaa ka dhigan in Fofana uu yahay daafica dhexe ee ugu qaalisanaa ee abid laga soo iibsado horyaalka Faransiiska.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado. Si dhow ayaan u daawanayay Leicester City tan iyo markii ay horyaalka ku guuleysteen, waa koox sarre oo ka tirsan Premier League” ayuu yiri Fofana markii uu qandaraaska u saxiixay Leicester.

“Waan ogahay inaan wax badan ka baran doono ciyaartoyda iyo tababaraha oo ah sababtii aan halkaan u imid. Ma sugi karo inaan bilaabo shaqadeyda”

Rodgers ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida Leicester ay uga soo adeegatay suuqa kala iibsiga iyagoo la soo wareegay Fofana, Timothy Castagne iyo Cengiz Under ka dib markii ay Ben Chilwell ka iibiyeen Chelsea.

Fofana ayaan la hubin inuu ciyaari karo kulanka Axada ay la dheelayaan West Ham.

Kooxda Faransiiska St Etiene ayaa sheegtay in lacagta ay ku iibiyaan 19 jirkaan inay tahay lacagtii ugu badneyd ee ay abid ciyaaryahan ku iibiyaan, islamarkaana dhaqaale xumada soo wajahday ay ku qasabtay inay iska diraan daafacaan da’da yar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More