Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 20aad
Xaaji Baana: Aamina adeer waa sida uu Sadiiq kuu sheegaya idinka wada hadla annaga waxaad isku fahmi weyndaan ayaan idiin soo dhex geleynaa.
Ducaale:
Waa sidaa Amina hadal oo dhibkaaga ka hadal isagana ha hadlee annagana waxaan nahay kuwii idiin dhexdhaxaadin lahaa
Amina Sahra:
Laakiin nin lala hadlo meeshaan ma joogo waa nin xalaashiisa xumeeyey noloshana inuu xakaar ka maro ayaan rabaa nolosha intuu dhib I soo marsiiyey ma aha mid aan si sahlan u ilaawi karo Sadiiq nin…