Maraakiib ganacsi oo ku xayiran Xeebaha Boosaaso. –
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.
Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda Bosaaso ee Puntland.
Maamulka dekedda…