Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Ay Real Madrid
Cristiano Ronaldo ayay u ahayd maalin damaashaad oo uu kooxdiisii hore ee Real Madrid kala qayb-galay dabaal-degga guushii weynayd ee ay ka gaadheen Barcelona.Real Madrid oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga soo badiyey ayaa u safartay gobolka Catalonia oo garoonka Camp Nou ay ku sugaysay Barcelona, taas oo Zinedine Zidane lasii sheegayay inay shaqadiisu halis geli doonto haddii uu guul kasoo gaadhi waayo, laakiin Los Blancos ayaa awood u yeelatay inay si raaxo leh ku badiyaan.Zidane ayaa kaydka dhigay Luka Modric iyo…