Xiddigii Ugu Fiicnaa Sannad Walba 50kii Sannadood Ee Ugu
Xiddigaha Juventus iyo Barcelona ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa kala soo muuqday halyeeyada Argentina iyo Brazil ee Diego Maradona iyo Pele liiska xiddigihii ugu fiicnaa sannad walba 50kii sannadood ee ugu dambeeyey.
Qiimayn ay samaysay FootballCritic, ayaa lagu soo ururiyey liiska ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa sannad walba ee kala galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.
Wargeyska FootballCritic ayaa kasoo bilaabay xogta qiimayntiisa sannadkii 1970kii illaa uu soo gaadhsiiyey sannadkan 2020.
Diego Maradona ayaa muddo afar sannadood ah loo xidhay xiddigii ugu wanaagsanaa laga soo bilaabo sannadkii 1985kii illaa 1988kii. Sidaas oo kale, Lionel Messi ayaa sannado isku xig-xiga oo toddoba ah iyo kuwo kali ahba ahaa laacibkii ugu wanaagsanaa garoomada.
Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayay qiimayntani muujisay inay yihiin xiddigaha ugu wanaagsanaa dunida laga soo bilaabo sannadkii 2007 illaa hadda, isla markaana ciyaartoydii kale ee la siiyey abaal-marintan ay ahaayeen kuwo aan bandhig ahaan gaadhsiisnayn heerkooda balse si kale abaal-marinta loo guddoonsiiyey.
Waxa kale oo liiskan ku jira ciyaartooyo aan hore ugu guuleysanin xiddiga ugu fiican caalamka, balse FootballCritic ay qiimaynteeda ku xustay inay ahaayeen kuwo aanay cidina ka fiicnayn haddii si dhab ah loogu qiimayn lahaa bandhiggii ay ka sameeyeen garoomada.
Halkan kaga bogo 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa 50kii sannadood ee ugu dambeeyey
1970: Pele (Kaalinta 2aad: Gerd Muller & Kaalinta 3aadFranz Beckenbauer)
1971-73: Franz Beckenbauer (Kaalinta 2aad: Johan Cruyff & Kaalinta 3aadGerd Muller)
1973-1977: Johan Cruyff (Kaalinta 2aad: Franz Beckenbauer & Kaalinta 3aadKevin Keegan)
1977-1979: Mario Kempes (Kaalinta 2aad: Zico & Kaalinta 3aadKenny Dalglish)
1979-1982: Zico (Kaalinta 2aad: Karl-Heinz Rummenigge & Kaalinta 3aadDiego Maradona)
1982-1985: Michel Platini (Kaalinta 2aad: Karl-Heinz Rummenigge & Kaalinta 3aadDiego Maradona)
1985-1988: Diego Maradona (Kaalinta 2aad & Kaalinta 3aadN/A)
1988-90: Marco van Basten (Kaalinta 2aad: Franco Baresi & Kaalinta 3aadRuud Gullit)
1990-1992: Lothar Matthaus (Kaalinta 2aad: Marco van Basten & Kaalinta 3aadMichael Laudrup/Jean-Pierre Papin)
1992-1994: Romario (Kaalinta 2aad: Roberto Baggio & Kaalinta 3aadHristo Stoichkov)
1994-96: George Weah (Kaalinta 2aad: Alan Shearer/Eric Cantona & Kaalinta 3aadMatthias Sammer)
1996-98: Ronaldo (Kaalinta 2aad: Zinedine Zidane & Kaalinta 3aadDennis Bergkamp)
1998-00: Rivaldo (Kaalinta 2aad: Zinedine Zidane & Kaalinta 3aadLuis Figo)
2000-02: Zinedine Zidane (Kaalinta 2aad: Luis Figo & Kaalinta 3aadRaul/Oliver Kahn)
2002-04: Thierry Henry (Kaalinta 2aad: Andriy Shevchenko & Kaalinta 3aadPavel Nedved)
2004-06: Ronaldinho (Kaalinta 2aad & Kaalinta 3aadN/A)
2007-09: Cristiano Ronaldo (Kaalinta 2aad: Lionel Messi & Kaalinta 3aadFernando Torres)
2009-12: Lionel Messi (Kaalinta 2aad: Cristiano Ronaldo & Kaalinta 3aadAndres Iniesta)
2012-14: Cristiano Ronaldo (Kaalinta 2aad: Lionel Messi & Kaalinta 3aadGareth Bale)
2014-15: Lionel Messi (Kaalinta 2aad: Cristiano Ronaldo & Kaalinta 3aadNeymar)
2015-17: Cristiano Ronaldo (Kaalinta 2aad: Lionel Messi & Kaalinta 3aadNeymar)
2017-20: Lionel Messi (Kaalinta 2aad: Cristiano Ronaldo & Kaalinta 3aadKylian Mbappe)