Albaab Xidhan Ayaad Garaacaysaa…!! Karim Benzema Oo Loo

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa loo sheegay inuu warbaahinta horteeda raalligelin ka siiyo tababaraha xulka qaranka ee Dedier Deschamps si loogu ogolaan karo inuu mar kale kusoo laabto qaranka.

32 jirkan oo muddo afar sannadood ah ka maqnaa xulka France kaddib fadeexaddii ka dhalatay cajalad galmo oo si qarsoodi ah looga duubay Mathieu Valbuena, taas oo lagu eedeeyey Benzema inuu lug ku lahaa qorshihii lagu duubay cajaladda, ayaa waxa uu bandhig wanaagsan ka samaynayaa Real Madrid.

Mar kasta oo uu bandhig wanaagsan sameeyo, waxa bata baaqdaya lagu dalbanayo inuu Benzema kusoo laabto xulka, waxaana dhawaaqii ugu dambeeyey uu kasoo yeeshay difaacii hore ee Les Bleus ee Adil Rami oo kaddib guul-darradii xalay soo gaadhay France u sheegay warbaahinta in loo baahan yahay in Benzema uu kusoo laabto xulka.

Rami oo la hadlayay Le Parisien waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay inuu raalligelin caam ah bixiyo Benzema oo uu wixii dhacay si buuxda uga raalligeliyo tababare Deschamps, taas oo warbaahinta Spain gaar ahaan wargeyska Marca uu ku tilmaamay in Adil Rami uu garaacayo albaab xidhan.

“Waa wax laga xumaado in Benzema aanu kooxdan ku jirin.” Ayuu yidhi Adil Rami oo intaa ku daray: “Marka aan sidan leeyahay, maaha inaan kasoo horjeedo Olivier Giroud. Waynu u baahanahay Giroud sababtoo ah waa dhaliye.

“Laakiin haddii heshiisiin loo sameeyo tababarha, way fiicnaan lahayd inaynu aragno Benzema oo kusoo laabtay Faransiiska.

“Benzema ayay muhiim u tahay inuu ka qayb-galo tartamada waaweyn. Tani (wixii dhacay) waa sheeko edeb darro ah. Benzema wuxuu u baahan yahay inuu si caam ah raalligelin u bixiyo amaba uu tababaraha hortiisa raalligelinta ka dhiibo, haddii uu sidan sameeyo Kari, waxay ila tahay inuu kusoo laaban doono les Bleus.”

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in aanay macquul ahayn in Benzema uu soo laabto inta uu Faransiiska tababare u yahay Didier Deschamps oo ay marar badan warbaahinta iskugu jawaabeen, isla markaana uu xidhan yahay albaabka uu garaacayo Adil Rami inta uu Deschamps joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More