Dietmar Hamann Oo Magacaabay Kooxda Hanashada Premier League
Dietmar Hamann ayaa aaminsan in kooxda Jose Mourinho ee Tottenham inay fursad u heysato inay hanashada horyaalka Premier League ku garaacdo Liverpool iyo Manchester City xilli ciyaareedkan.Liverpool waxaa u taala shaqo adag oo ay ku difaacanayaan horyaalka madaama uu ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo seegaya inta badan xilli ciyaareedkan, halka Liverpool uu dhaawac kale ka soo gaaray xiddigii buuxinayay booskiisa ee Fabinho xalay.Van Dijk ayaa gabi ahaanba bedelay kooxda Liverpool tan iyo markii uu yimid sannadkii 2018 isagoo…