Taliska Booliska oo faah faahiyay Khasaaraha ka dhashay

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Sadiiq Adan Cali Doodishe.

Taliska Ciidan Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay 6 ruux ay dhinteen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali Doodisho  ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 8 ruux.

Sadiiq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaaxi ay ku sugnaayeen dad u badan Shacab, isla markaana uu ka dhashay qaraxaas khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Waxaa uu sheegay in dhaawaca 8 ruux loo qaaday Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in Ciidamada booliska Soomaaliya ay baaris ku hayaan sida uu qaraxa u dhacay, isla markaana hadda xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay mid sideedii hore kusoo laabatay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho amnigeda waxaa uu ahaa mid soo hagaagayay marka laga reebo qaraxyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ah oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Jimcihii ayaa qaraxa nuuca wadada dhinaceeda la galiyo lagu weeraray gudoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun waxaana ka soo gaaray dhaawac iyo dhimashada laba ka mid ah ilaaladiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More