Qiimaynta Xulalka Haysta Ciyaaryahanadda Ugu Qaalisan Yurub Oo
Qiimaynta xulalka qaaradda Yurub ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay England oo haysta safka ugu qaalisan.
Xulka qaranka England oo ay ku urursan yihiin ciyaartooyo da’yar ah oo tayo badan, ayaa waxa qiimahoodu uu joogaa marka la isku-celceliyo €1.40 bilyan.
Shabakadda qiimaynta iyo xog ururinta ee Transfermarkt ayaa shaacisay 20ka waddan ee haysta ciyaartoyda ugu qaalisan ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee dib loogu riixay sannadka dambe kaddib markii uu Fayraska Korona sababay in la joojiyo sannadkan oo qorshuhu ahaa in bishii June la ciyaaro.
Gareth Southgate oo haysta laacibiin wanaagsan ayaa rajaynaya in koobkii ugu horreysay uu waddankiisa u keeno tan iyo sannadkii 1966kii oo ay ugu dambaysay inay hantiyaan koob weyn.
Xulka qaranka Spain oo beryaha qaarkood ahaan jiray midka ugu qiimaha badan Yurub ee haysta xiddigaha ugu fiican ayaa hoos u dhac ku yimid maadaama ciyaartoydii wanaagsanaa ay hawlgab ka noqdeen, isla markaana ay kuwo da’yar ah oo aan tayadii badnayd lahayn usoo baxeen.
Faransiiska oo haysta ciyaartooyo da’yar u badan oo wanaagsan, isla markaana kusoo guuleystay Koobkii Adduunka ee 2018, haddana safka hore kaga jira saadaasha Euro 2020 ayaa kaalinta labaad ee qiimayntan ku jira, waxaana marka la isku celceliyo uu qiimaha ciyaartoygoodu gaadhayaa €1.04 bilyan oo Euro.
Spain ayaa kaalinta saddexaad soo cidhiidhsatay waxaana ciyaartoygooda uu qiimihiisu yahay €842.50 milyan oo Euro, halka Portugal iyo Germany ay afraad shanaad ku kala jiraan oo qiimaha ciyaartoyda ay xulkooda usoo qaataan uu qiimahoodu kala yahay €762.50 milyan oo Euro iyo €737.50 milyan oo Euro.
Halkan kaga bogo qiimaynta oo dhamaystiran:
20. Slovakia – Value: €114.70m
19. Czech Republic – Value: €122.25m
18. Wales – Value: €145.58m
17. Russia – Value: €157.40m
16. Switzerland – Value: €175.35m
15. Sweden – Value: €190.55m
14. Turkey – Value: €200.40m
13. Scotland – Value: €209.25m
12. Austria – Value: €257.65m
11. Poland – Value: €280.85m
10. Denmark – Value: €292.35m
9. Croatia – Value: €353.60m
8. Netherlands – Value: €468.50m
7. Italy – Value: €656.50m
6. Belgium – Value: €684.30m
5. Germany – Value: €737.50m
4. Portugal – Value: €762.50m
3. Spain – Value: €842.50m
2. France – Value: €1.04b
1. England – Value: €1.40b