Kooxda Uu Sergio Ramos Doonayo Inuu Ciyaaraha Kaga Fadhiisto
Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa muujiyey dareen ah inay rajo ka qabaan in kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos uu saxeexi doono heshiis cusub ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisa hadda ee bilaha kooban ka hadhsan yihiin.Wakiillada Sergio Ramos ayaa la sheegay in waqtigan ay wada-hadallo kula jiraan kooxda ka dhisan caasimadda Madrid, si ay heshiis uga gaadhaan in waqtiga qandaraaska laacibkan la kordhiyo ka hor inta aanu dhamaanin heshiiskiisa waqtigani.34 jirkan ayaa la sheegay inuu…