Waa Kuma Kabtanka Xalayba Kasii Ducaystay In Kooxdiisa Lagu

Kabtanka kooxda Lazio ee Ciro Immobile ayaa shaaca ka qaaday inuu kooxdiisa u han weyn yahay kaddib markii ay xalay wareega 16-ka ee Champions League u gudbeen xilli uu xusay magcayada labada kooxood oo uusan doonayn inay ku aadaan.

Lazio oo Stadio Olimpico joogtay ayaa xalay bar-bardhac la gashay kooxda ree Belgium ee Club Brugge oo si weyn u dagaalantay ilaa daqiiqadii ugu dambaysay balse ugu dambayn kooxda Talyaaniga ah ayaa gudubtay.

Kulanka kaddib Immobile oo la hadlay Sky Sports ayaa muujiyay dareenkiisa farxadeed ee inay kooxdiisu gudubtay xilli uu sheegay inaysan doonayn inay Liverpool iyo Bayern Munich ku aadaan.

Ciro ayaa yidhi “Waanu u han weynahay waxa aanu samaynay, wax yar ayaanu dhibtoonay intii dambe ee kulanka balse iyagub way dhibtoodeen sidoo kale”

“Waxaan helay fursad wanaagsan waxaana laga yaabaa inaan u baahdo inaan la hadlo ninka cawska garoonka ka shaqeeya sababtoo ah kubaddu si deg-deg ah ayay usoo booday kahor inta aanan laagin”

“Caawa waxay ahayd habeen adag, iyagu waa koox muhiim ah, hadda waxaanu sugaynaa isku aadka waxaanan rajaynayaa inaan nalagu beegin kooxaha mamnuuca ah sida Bayern iyo Liverpool”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More