Muxuu Yahay Rekoodhka Aadka Ugu Weyn Taariikhda Real Madrid

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaan kulanka caawa ay kooxdiisu la yeelanayso Borussia Monchengladbach isaga kaliya u ahayn kulan xilli ciyaareedkooda muhiim u ah balse uu sidoo kale muhiimad shaqsi ah u leeyahay.

Rekoodhka weyn ee uu Benzema ku socdo kulankan ayaa ah inuu bar-barayn karo tirada kulamada uu halyeey Roberto Carlos usoo ciyaaray Real Madrid ee ah 527 kulan.

Inuu halyeeyga ree Brazil 527 kulan usoo ciyaaray Los Blancos ayuu ku haystaa rekoodhka weyn ee ah ajaanibka kulamada ugu badan usoo ciyaaray kooxda waana tiro uu caawa ka bar-barayn doono Benzema oo intaas wixii ka dambeeyana hoggaanka la wareegi doona.

Roberto Carlos ayaa tiradaas rekoodhka ah ku gaadhay 11 xilli ciyaareed oo uu soo joogay Real Madrid isaga oo mudadaas kula soo guuleystay 12 koob, xilli ciyaareedkan 2020-21 ayaa Benzema u ah midkiisii 12-aad ee Real.

Sidoo kale daafaca bidix ee Carlos ka dhaxlay booskii Madrid ee Marcelo ayaa Real Madrid usoo ciyaaray 515 kulan waana midka ugu dhaw labadooda.

Marcelo ayaa hore uga kulamo badnaa Benzema balse daafaca bidix ayaa dhawaanahan noqday mid aan fursad sidii hore u badan helin oo keydka u galay Ferland Mendy.

Kaliya maaha tirada kulamada la ciyaaray mida uu Benzema booska sarre ka joogo mudada uu ku sugan yahay caasimada Spain balse sidoo kale waa ciyaaryahanka shanaad ee abid ugu goolasha badan taariikhda kooxda kaddib 255 gool.

255 gool ee Karim ayaa kaliya ka dambeeya Cristiano Ronaldo oo leh 451 gool, Raul oo leh 323 gool, Alfredo Di Stefano oo 308 gool leh iyo Santillana oo 290 gool leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More