Maxaa ka jira in xukumaddu xaraysay guddigii doorashada ee

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xareeysay Xubnaha Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed oo wali  kala dhiman, iyadoo la dejiyay Hotelka Peace, ee Magaalada muqdisho,iyada oo laga soo raray hotelkii hore ee Decale.

Xubnaha guddiyada la xareeyay ayaa kala ah Guddigii doorashada dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug & min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Xubnahan ayaa muddo todobaad ah waxaa loo qabanayaa tababar ku saabsan hanaanka doorashooyinka ee dalka sida xubno ka tirsan guddigaasi u sheegeen Axadle.

Tani ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay afduubato hawlaha doorashooyinka ee dalka, maadaama la xareeyay Guddiyo kala dhiman sida ay ku doodayaan midowga Musharixiinta iyo xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan qaabka Xukumadda Soomaaliya u wajahayso doorashooyinka dalka.

Dowlad-goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaan wali soo gudbin Guddiyadooda Doorashada, maadaama ay saluugeen qaabka ay doorashada u wahayso dowladda Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan guddiyada doorshooyinka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More