Maxay tahay cabsida laga qabo in uu dalku galo xaalad
Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa wajihi karta xaalad dastuur la’aan ah hadii aan la qaadin talaabooyin deg deg oo badbaado ah, sidda uu sheegay madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal u diray hogaamiyayaasha dowladda federaalka ah.
Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka UPD ayaa ku baaqay in labada gole ee baarlamaanka federaalka yeeshaan kulan deg-deg ah” oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista…