Sawir Ay Arsenal Soo Dhigtay Baraheeda Bulshada Oo Ka

Taageerayaasha Arsenal ayaa ku dhaleeceeyay kooxda inay Mesut Ozil oo kooxda laga saaray lagu soo daray sawirkooda xilli ciyaareedka.

Xiddiga Jarmalka ayaa si xun loola dhaqmay xilli ciyaareedkan isagoo laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u dheeleysa Premier League iyo Europa League.

Laakiin kooxda Waqooyiga London ayaa ku fekertay inay fekrad fiican tahay in Mesut Ozil uu la safto ciyaartoyda kale ee u dheeleysa kooxda si loo qaado sawirkooda xilli ciyaareedka.

Sawirka waxaa la qaaday horaantii bishaan, waana xilli la gaaray go’aankii Mesut Ozil kooxda looga saaray.

Mikel Arteta ayaa hor taagan ciyaartoyda safka ku jirta iyagoo is hordhigay koobka FA Cup iyo Community Shield.

Bedelkii ay seddex saf ee lagu yaqaano sawirka xilli ciyaareedka geli lahaayeen ciyaartoyda Arsenal ayaa kala fogaaday madaama lagu jiro waqti Korona Fayras la iska ilaalinayo.

Bring him back pic.twitter.com/vtdLFtd4pQ

— Jefe ?? (@AfcJefe) November 18, 2020

Laakiin taageerayaasha Gunners ayaa ka carooday sida xun ee ay Mesut Ozil u la dhaqmayaan iyo inay ku soo darsadeen sawirka xilli ciyaareedka xilli uu ciyaaryahanka ka maqan yahay kooxda.

Taageere ayaa u qoray Arsenal: “Hore uma arkin ninkaan, ma da’ yarta ayuu ka mid yahay? Fursad siiya.”

Tannu ayaa isna ku kaftamay: “Muxuu ciyaaryahanka Fortnight ka qabanayaa halkaan?”

Laakiin taageerayaasha badankood uma aysan arkin wax lagu qoslo.

Our most creative player hasn’t featured in a single game this season And yet mustafi has been seeing the bench and he hasn’tMikel arteta needs to be grounded pic.twitter.com/PyRdsaeFJv

— JACOB OF AFRICA (@jacobisaac007) November 18, 2020

Jacob ayaa soo qoray: “Ciyaaryahankeenii ugu hal abuurista badnaa ma uusan ciyaarin hal kulan xilli ciyaareedkan.

“Sidaasi oo ay tahay Mustafi waxaa lagu arkayaa keydka. Mikel Arteta in la ganaaxo ayuu mudan yahay.”

Kuwa kale ayaa dalbaday in Ozil la soo celiyo halka Cien uu calamadeeyay Ozil iyo Saka isagoo soo qoray: “Waa Arsenal-sha kaliya aan aqoonsanahay.”

The only Arsenal that I acknowledge pic.twitter.com/qA9YO0yCE8

— Cien (@UzairJDK) November 18, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More