Arsenal & Liverpool Oo Niyadjab La Kulmay Ka Dib Baaris
Mohamed Salah iyo Mohamed Elneny ayaa labaduba mar labaad laga helay cudurka Korona Fayras taasoo niyadjab ku ah Liverpool iyo Arsenal.
Xiriirka kubada cagta Masar ayaa xaqiijiyay maanta in baaritaankii ugu danbeeyay ee lagu sameeyay labada xiddig lagu ogaaday inay weli qabaan cudurka.
Waxay tani la micno tahay in labada ciyaaryahan ay ku qasban yihiin inay karantiil ku sii jiraan.
Salah ayaa loo ogolaan lahaa inuu dib ugu soo laabto England haddii uu ku baasi lahaa baaritaankii maanta.
Laakiin natiijadii ugu danbeysay ee baaritaankiisa ayaa la micno ah inuu sii joogi doono Masar halkaasoo uu karantiil ku sii ahaan doono.
Joornaaliiste Eslam Magdy ayaa Twitter ku soo qoray: “Xiriirka kubada cagta Masar waxay ku dhawaaqeen in Mo Salah iyo Mohamed Elneny in weli ay qabaan cudurka Korona Fayras sidaasi darteed ay karantiil ku sii jiri doonaan.”
Salah iyo Elneny ayaa ka mid ahaa xulka Masar kulankii isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee ay la ciyaareen xulka Togo.
Labada xiddig ayaa Korona Fayras laga helay intii ay la maqnaayeen xulkooda.
Elneny waxa uu ciyaaray kulankii ay 1-0 kag badiyeen Togo ee ka dhacay Qaahira Sabtidii ka hor inta aan lagu qasbin inuu karantiil isgeliyo.
Xiriirka Masar waxay sidoo kale sheegeen in seddex qof kale oo ka mid ah xulka laga helay Korona Fayras oo ay ku jiraan madaxa warbaahinta iyo duugaha kooxda.