Korona Fayras Oo Saf Ka Maraya Xiddigaha Real Madrid &
Xiddiga Real Madrid Luka Jovic ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Korona Fayras.
Weeraryahanka 22 sanno jir ah ayaa seegi doona kulanka horyaalka La Liga ee ay todobaadkan la ciyaarayaan kooxda Villarreal.
Jovic ayaa labo gool dhaliyay intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Serbia iyagoo 5-0 kaga badiyay xulka Ruushka.
Wuxuu ciyaaray 90ka daqiiqo ee kulankaas ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.
Warbixin ay Real Madrid soo saartay ayaa lagu yiri:
“Real Madrid waxay xaqiijineysaa in ciyaaryahankeena Luka…