Daawo Muuqaalka Taageerayaasha Barcelona Ee Careysan Ee Isku

Taageerayaal careysan oo kooxda Barcelona ah ayaa isku gadaamay gaariga Antoine Griezmann iyagoo ka dalbaday inuu ixtiraam u muujiyo Lionel Messi.

Xiddiga Faransiiska Griezmann ayaa ku guuldareystay inuu saldhigto Camp Nou tan iyo markii uu 108 milyan ginni uga soo wareegay Atletico Madrid sannadkii 2019.

Qeyb ka mid ah dhibaatadiisa waxay ka timid dhowr warbixin oo sheegaya in 29 jirkaan uu xiriir xun la leeyahay kabtanka Barcelona Lionel Messi.

Griezmann ayaa qirtay sannadkii hore inay ku adag tahay inuu xiriir la sameysto xiddiga reer Argentina madaama aysan wada hadlin.

Xiisad ayaa kacday isbuucii la soo dhaafay ka dib markii weeraryahanka adeerkiis ahna wakiilkiisa hore uu weerar ku qaaday Messi isagoo sheegay in qaab tababarka ay u sameyso Barcelona inay tahay mid loo nashqadeeyay in lagu wanaajiyo Messi.

Laakiin xiddiga lixda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or Messi ayaa eedeyntaas ka bixiyay jawaab celin weyn isagoo sheegay inuu ka daalay in mar walba lagu eedeeyo inuu isagu sabab u yahay dhibaatooyinka ka jira kooxda Catalans.

Waxayna u muuqataa in taageerayaasha Barcelona ay garab taagan yihiin Messi ka dib markii muuqaal laga duubay qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda oo isku gadaamaya gaariga Griezmann isagoo ka tagayay xarunta tababarka.

Muuqaal ay duubtay shabakada Isbaanishka ee Gol ayaa soo bandhigaya taageerayaal ku celinaya “ixtiraam Messi” iyagoo isku gaaf wareejiyay gaariga Griezmann.

? “? ????? ?? ?? ???????” ?

? Aficionados del @FCBarcelona_es INCREPAN a GRIEZMANN a la salida de la Ciudad Deportiva pic.twitter.com/sXjANVLZbt

— GOL ⚽️ (@Gol) November 19, 2020

Laakiin qaar kale oo ka mid ah taageerayaasha Barcelona ayaan la dhicin talaabada ay qaadeen taageerayaashaan iyagoo difaacay xiddigii hore ee Atletico Madrid.

Mid ayaa soo qoray: “Messi waa xiddigii ugu fiicnaa taariikhda laakiin Griezmann waxaa lagu eedeeyay inuu ixtiraamin Messi iyadoo uusan waligiis afkiisa kala furin.”

Griezmann ayaa ka horimaanaya kooxdiisa hore ee Atletico Madrid isbuucaan isagoo dhaliyay kaliya labo gool todobadii kulan ee La Liga ee uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More