“Shakhtar Way Garaaci Doontaa Real Madrid, Dhibaatadii Inter
Luis Castro waxa soo maray mid ka mid ah maalmihiisii ugu farxadda badnaa ee tababarenimo, waxaanu awood u yeeshay inuu Real Madrid 3-2 kusoo garaaco isagoo ugu tegay caasimadda Spain, taas oo xilligaas aanu xataa niyadda sii gashanin.Laakiin waxa ugu xigtay barbarro ay Inter Milan la galeen iyo laba guul-darro oo waaweynaa oo kasoo gaadhay Borussia Monchengladbach oo ku garaacday isu-geynta 10-0. Kulanka hore wuxuu kusoo dhamaaday 4-0, ciyaarta labaadna 6-0.Inkasta oo ay yihiin dhibbaneyaasha oo ay kaalinta saddexaad ee…