Isku Aadka Wareega 3aad Ee Koobka FA Cup Oo La Soo Saaray &
Waxaa goor dhaweyd la soo saaray isku aadka wareega seddexaad ee koobka FA Cup iyadoo kulamo xiiso leh ay ka soo baxeen.
Wareega seddexaad ee FA Cup waxaa la ciyaari doonaa isbuuc dhamaadka 9ka iyo 10ka bisha Janaayo 2021 iyadoo 32da kooxood ee ka soo gudba wareegaan ay mid walba heli doonto abaalmarin lacageed oo gaaresya 82 kun ginni.
Arsenal ayaa ah kooxda difaacaneysa koobka iyagoo ah kooxda ugu guulaha badan koobkaan oo ay qaadeen rikoodh 14 jeer ah. Gunners waxay wareega seddexaad ee FA Cup garoonkeeda ku soo…