Edinson Cavani Wuxuu U Qalmaa In La Ganaaxo In Ka Badan
Weeraryahanka Watford Troy Deeney ayaa sheegay in seddex kulan oo ganaax ah inaysan ku filneyn weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ka dib markii uu erey af Isbaanish ah oo loo qaatay cunsurinimo uu soo dhigay baraha bulshada Arbacadii.
- Advertisement -
Cavani ayaa maanta raaligelin ka bixiyay qoraalkaas, wuxuuna sheegay inay ka aheyd jaceyl iyo salaan uu u waday saaxiibkiis oo ugu hambalyeeyay guushii 3-2 ee ay Man United ka gaartay Southampton.
Cavani waxaa haatan baaris ku wada xiriirka kubada cagta Ingariiska iyadoo la filayo in seddex kulan la ganaaxo, laakiin Deeney oo u waramayay idaacada talkSPORT ayaa sheegay in seddex kulan aysan aheyn ciqaab ku filan islamarkaana loo baahan yahay in cashar la siiyo oo la baro cunsuriyada.
Weeraryahanka Watford ayaa yiri: “Ma aha wax saxan, dhan walba oo aad ka eegto.
“Waxaan qabaa marka aad fariin qoreyso, waad ka fiirsaneysaa, inta badan dhowr jeer ayaad akhrineysaa ka hor inta aadan daabicin sababtoo ah ma dooneysid inaad u muuqato doqon.
“Laakiin ma jirin waqti uu Cavani isku yiri ‘Tani ma ahan wax saxan’ taas ayaan i walwal gelineysa.
“Waan fahamsanahay in haatan seddex kulan la ganaaxayo laakiin waxaan doonayaa inaan ogaato haddii FA-ga ay ciyaartoyda casharo siinayaan marka ay imaanayaan wadankaan.
“Ma aaminsani inuu aflagaado u isticmaalay laakiin wuxuu u baahan yahay in la baro waxyaabaha la ogol yahay iyo waxyaabaha aan la ogoleyn.”
Markii la weydiiyay haddii seddex kulan oo ganaax ah ay ku filan tahay Cavani, Deeney ayaa ku jawaabay: “Maya, uma maleynayo inay ku filan tahay.
“Waa qoraal uu ka fiirsaday, waa wax uu qoray oo uu ka fekeray, waxaana la joogo dad dhihi kara ma ahan inaad waxaan qorto.
“Ma qabo in seddex kulan ay ku filan tahay ciqaabtiisa sababtoo ah waa in wax la baro feker ahaanteyda.”