Kulamada Uu Seegayo Eden Hazard Oo La Xaqiijiyay & Zidane Oo
Eden Hazard ayaa dhaawac kale uu soo gaaray iyadoo dhaawaca cusub ee soo gaaray uu yahay mid muruqa lugta midig ah. Waxayna tani ka dhigan tahay inuu xiddiga reer Belgium garoomada ka maqnaan doono muddo seddex todobaad ah.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa la saaray nusa saac markii ay socotay kulankii ay Real Madrid guuldarada ka soo gaartay Alaves iyadoo ay tahay dhaawacii 7aad ee soo gaaray xiddigaan tan iyo markii uu caasimada Spain yimid xagaagii 2019.
Ka dib baaris lagu sameeyay Hazard ayaa la xaqiijiyay maanta inuu dhibaato muruqa ah qabo.
“Ka dib baaritaano maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Eden Hazard waxaa lagu ogaaday dhaawac ka soo gaaray muruqa lugta midig” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Real Madrid. “Soo kabsashadiisa waa la qiimeyn doonaa.”
Dhaawacaan ayaa la micno ah inuu seegi doono kulanka ay u safrayaan Shakhtar Donetsk berri oo Talaado ah, kulanka ay u safarayaan Sevilla Sabtida, kulanka ay garoonkooda kula ciyaarayaan Borussia Monchengladbach 9ka December iyo kulanka ay soo dhaweynayaan Atletico Madrid 12ka December.
Kulamadaan waa kuwa muhiim u ah kooxda tababare Zidane iyadoo maqnaanshaha Hazard ay dhabarjab xoogan ku tahay madaama uu si fiican u dheelay kulamadii Villarreal iyo Inter Milan.