Michael Owen Oo Magacaabay SADDEXDII Geesi Ee Lama Filaanka
Michael Owen ayaa magacaabay saddexdii ciyaartoy ee Liverpool shimbirka u noqday kulankii Champions League ee xalay ay guusha dirqiga ah ee 1-0 kaga badiyeen.Liverpool ayaa u gudubtay wareegga 16ka iyadoo kaalinta koowaad kaga soo baxday Group D, waxaana mahadda libintan iska lahaa Curtis Jones oo u dhaliyey goolka ay guushu ku raacday kooxdiisa.Da’yarkan ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee Champions League ah dhaliyey, kaas oo ku yimid qiimayn qaldan oo goolhaye Andre Onana uu ku sameeyey kubad uu dhinaca kasoo dhiibay…