Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka digay kuraas boob lagu
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Siyaasiyiinta, Dhaqanka qaybaha kala duwan ee Beelaha Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) ayaa soo saaray digniin la xiriirta boob ay sheegeen in lala damacsan yahay kuraasta Xildhibaannada labada ee Gobolladaas.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay iska indha-tireyso baaqyadooda, isla markaana ay ku adkeysaneyso guddiga ay magacawday in uu guda-galo doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhanka Gobollada Waqooyi.
Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ka dhega xiratay baaqyada wadajirka, isla markaana ay dardargelineyso Guddi ay magacawday si loo bilaabo soo xulista Xildhibaannada labada Aqal BFS sida hadalka loo dhigay.
Guddoomiyaha Aqalka sare & dhinacyadaan kale ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan marnaba marti ka ahaan doonin doorashada, iyaga oo raacaya habraacii doorashada 2016-ka ay ka feejigan yihiin waxa socda iyo qorshaha laga leeyahay.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare BFS ayaa dhawaan magacaabay Guddi uu ku sheegay in ay yihiin Xubnaha Doorashada wakiilka uga ah Gobollada Waqooyi, balse shaqsiyaadka qaar ee magacyadooda kusoo baxay liiska ayaa diiday.
Waxaana ka horeeyay Guddi uu magacaabay Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble si ay u maamulaan doorashada Gobollada Waqooyi oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, maadaama Gobaladda Waqooyi ay isu aragto in ay gaar ka tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Axadle.