Michael Owen Oo Magacaabay SADDEXDII Geesi Ee Lama Filaanka

Michael Owen ayaa magacaabay saddexdii ciyaartoy ee Liverpool shimbirka u noqday kulankii Champions League ee xalay ay guusha dirqiga ah ee 1-0 kaga badiyeen.

Liverpool ayaa u gudubtay wareegga 16ka iyadoo kaalinta koowaad kaga soo baxday Group D, waxaana mahadda libintan iska lahaa Curtis Jones oo u dhaliyey goolka ay guushu ku raacday kooxdiisa.

Da’yarkan ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee Champions League ah dhaliyey, kaas oo ku yimid qiimayn qaldan oo goolhaye Andre Onana uu ku sameeyey kubad uu dhinaca kasoo dhiibay Williams, taas oo uu helay Jones.

Liverpool ayuu safkeeda si lama filaan ah uga soo muuqday goolhaye Caoimhin Kelleher oo beddelay Alisson Becker oo dhaawacmay, hase yeeshee waxay u ahayd habeen uu kasbaday quluubta taageereyaasha oo uu isku muujiyey inuu u qalmo in laga dhigo goolhayaha labaad oo kooxda laga diro Adrian.

Halyeygii weerarka Liverpool ee Michael Owen oo hadlayay markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa uu magacaabay saddexda xiddig ee ku suntanaa guusha Reds ee xalay.

Goolhaye Caoimhin Kelleher, Neco Williams iyo Curtis Jones ayuu Michael Owen ku sheegay inay ahaayeen saddexda geesi ee guushan keenay, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd habeen u wanaagsan Liverpool, gaar ahaan saddexda da’yar ee goolhayaha, Neco oo fursadda goolka abuuray iyo Curtis oo goolka dhaliyey.

“Waxay ahaayeen saddexda geesi ee caawa. Waxay ahayd habeen u wanaagsan ciyaartoyda kulliyadda kasoo baxay iyo habeen u wanaagsan Liverpool.”

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand oo isaguna fadhiyey istuudiyaha ayaa ku waafaqay amaanta laacibiintan, waxaanu yidhi: “Jurgen Klopp wuxuu ku faraxsanaan doontaa taas. Waxa kale oo gunno u ahayd inuu nasistay ciyaartoydiisa qaar ka mid ah.

“Curtis Jones wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda aad u malaynayso inuu furayo albaabada. Wuxuu abuurayay fursado, waxaanu mar walba joogay ama ku gaaf-wareegayay xerada ganaaxa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More