Manchester United vs PSG – Dagaalka Adag Ee Caawa, Xiddigaha
Manchester United oo hal dhibic oo kaliya ugu baahan si ay iskaga xaadiriso wareegga 16ka tartanka Champions League ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford ku qaabilaysaa naadigiisaa naadigii finalka tartankan tegay xili ciyaareedkii hore ee Koobka lagaga guuleystay ee PSG.
Red Devils ayaa ugu sarraysa Hormada H, waxaanay ogtahay in kaliya ay tahay inay guul-darro ka badbaado si ay booskeeda wareegga xiga u diyaarsato, laakiin haddii laga badiyo ayay xaaladdu isbeddeli kartaa oo ay noqon doontaa inay si adag u dagaallanto illaa ciyaarta ugu dambaysa.
Jamaahiirta Manchester United ayaa ka baqayay in kooxdoodu hadho markii lasoo saaray isku-aadka ee ay arkeen inay ku dhaceen PSG iyo RB Leipzig, laakiin labadii ciyaarood ee ugu horreeyey ayay soo garaaceen labada kooxood ee ay ka baqayeen ka hor intii aanay Istanbul Basaksehir si lama filaan ah ugu soo karbaashin waddanka Turkey inkasta oo United ay kaga aargoosatay Old Trafford.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa kalsooni buuxda ku qaba in xiddigihiisu ay awoodi doonaan inay iska dhiciyaan PSG oo ay ugu yaraan dhibicda ay u baahanyihiin ka qaadan doonaan, iyadoo uu adeegsan doono Edinson Cavani oo wacdaro ka dhigay guushii soolaabashada ahayd ee ay ka gaadheen Southampton Axaddii.
Dhinaca kale, PSG oo kusoo jirtay dhibaatooyin kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka Ligue 1 oo ay Monoco 3-2 ku garaacday iyagoo laba gool qaybta hore dhashaday iyo in Bordeaux ay barbarro 2-2 ah ku qabatay ayaa waxay kooxda tababare Thomas Tuchel ka dhigaysaa mid ka nugul khadka difaaca oo si fudud goolal looga dhalin karayo, taas oo ay Man United na ku samayn karto marka ay caawa kulmaan.
Kooxda reer France oo garoonkeeda Parc des Prince ay laba jeer oo isku xigta ku garaacday Manchester United, waxay u diyaarsan tahay dagaal ay hoggaamiyeyaal ka noqon doonaan Neymar, Mbappe, Verratti iyo Angel di Maria oo ay ugu yaraan doonayso inay kaga aarsato Manchester United, booskeeda wareegga xigana fursaddeeda ku wanaajisan karta.
Group H waxa hoggaaminaysa Man United oo haysata sagaal dhibcood, PSG iyo RB Leipzig waxay iyaguna leeyihiin min 6, taas oo ka dhigan in haddii ay labada kooxood ee dambe ay badiyaan la isku sii dheganaan doono illaa ciyaarta ugu dambaysa.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Manchester United vs PSG
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Old Traffford
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Layaab kuma noqon doonto jamaahiirta PSG inay arkaan xiddigooda haysta rikoodhka gool-dhalinta kooxdooda ee Edinson Cavani oo ka hor imanaya, isla markaana guul-darro la raadinaya.
301 kulan oo uu u saftay iyo 200 gool oo uu u dhaliyey kaddib, Edinson Cavani ayaa soo afjaray toddoba sannadood oo uu u ciyaaray PSG iyo 15 koob oo uu u qaaday, waxaanay sababta uu uga tegay ahayd inay kooxdu diiday inay heshiiska u kordhiso.
Manchester United waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan Anthony Martial balse waxay rajaynayaan in illaa daqiiqadaha ugu dambeeya ay ka dhur-sugaan taam ahaanshaha David de Gea haddii uu kasoo kaban karo jug kasoo gaadhay Southampton, waxaase haddii uu taam noqon waayo ka faa’iidaysan doona Dean Henderson.
Waxa kale oo maqan Jesse Lingard, Scott McTominay iyo Eric Bailly, kuwaas oo uu usbuucyadii ugu dambeeyey isaguna ku biiray Luke Shaw, halka ALex Telles oo isaguna dhaawac fudud qaba la sugi doono haddii uu taam noqon karo.
Paul Pogba ayaa kasoo kabtay dhaawac kuraanta kasoo gaadhay, waxaana la filayaa in ciyaartii 50aad ee Champions League ah uu safto. Donny van de Beek ayaa isagana la filayaa inuu kasoo kaban karo jug aan weynayn oo kasoo gaadhay ciyaartii Premier League ee Southampton.
Marcus Rashford ayaa shan gool oo Champions League ah dhaliyey afar ciyaarood oo uu saftay xili ciyaareedkan, waxaanu rajaynayaa inuu mar kale kulankan shabaqa taaban doono.
PSG ayaa waxa iyadana ka maqan Marquinhos, halka Julian Draxler iyo Thilo Kehrer ay iyaguna seegayaan ciyaartan. Waxa kale oo maqan Mauro Icardi, balse Idrissa Gueye ayaa kasoo kabtay dhaawacii.
Neymar Jr, Kylian Mbappe, Angel Di Maria iyo Ander Herrera ayaa dhamaantood taam ah oo la filayaa inay ciyaartan kusoo bilowdaan.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood
Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles; Fred, Matic, Van de Beek; Fernandes; Rashford, Cavani
Paris Saint-Germain: Navas; Florenzi, Diallo, Kimpembe, Bakker; Verratti, Marquinhos, Herrera; Di Maria, Mbappe, Neymar