AKHRISO: Shuruudaha Muhiimka Ah Ee Uu Lionel Messi Hordhigay
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa madaxweynaha cusub ee Joan Laporta miiska u saaray liiska dalabaadka uu wato si uu kooxda ugu huro mustaqbalkiisa dhaw oo uu u saxeexo heshiis cusub oo dhaafsiisan qandaraaskiisa ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan.Hoggaamiyaha Barcelona ayaa u muuqday mid iskaga tagaya kooxda marka uu heshiiskiisu dhaco xagaaga kaddib markii ay kooxda isku dhaceen xilli ciyaareedkii hore.Laakiin sida uu sheegayo wargeyska Eurosport, Messi ayaa u muuqda mid tixgelinaya oo ka fikiraya heshiis…