Maxay Ahayd Qayladii Iyo Aflagaaddooyinkii Laga

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka hadhay qaylo iyo aflagaaddooyin laga maqlay qolka lebbiska ciyaartoydeeda markii ay soo dhamaatay ciyaartii guul-darrada xanuunka badan ay kala kulmeen ee ay Benevento ku garaacday Axaddii, taas oo sii xumaysay rajada ay Old Lady ka qabto in ay horyaalka ku guuleysan karto xilli ciyaareedkan.

Juventus oo tartanka Champions League kaga hadhay wareegga 16ka ayaa haddana luminaysa horyaalka oo ay kaga jirto kaalinta saddexaad iyadoo taagan meel ay adag tahay in ay soo qabato Inter Milan oo hoggaanka haysa, waxaanay taasi ka dhigan tahay in kaliya ay xilli ciyaareedkan u tartami karayaan Coppa Italia oo ah koobka kaliya ee suurtogalka ah ee ay ku guuleysan karayaan.

Inkasta oo ay kubadda cagta wax kastaa ka dhici karayaan, haddana Old Lady ayaan haysanin saansaan wanaagsan oo ay kusoo qaban karto in 10ka dhibcood ee Inter Milan oo ay ciyaartina baaqi u tahay.

Si kastaba, markii ay soo dhamaatay ciyaartii Juventus ay guul-darrada lama filaanka ahi kasoo gaadhay ee ay Benevento oo kaalinta 16aad kaga jirta horyalku ay ku garaacday Axaddii, waxa qolka lebbiska ee kooxda laga dhex maqlay cay iyo aflagaaddooyin dibedda laga maqlayay, la rumaysan yahay inay u dhaxaysay ciyaartoyda iyo tababaraha.

Warbaahinta La Stampa aaa sheegtay in qaylo badan iyo aflagaaddooyin laga maqlay qolka lebbiska Juventus markii ay ciyaartoydu soo wada galeen, laakiin warbaahintu ma sheegin magacyada shaqsiyadkii ku lugta lahaa cayda iyo qaylada iyo waliba sababtii keentay, inkasta oo ay muuqatay in ciyaartoyda iyo tababaruhuba ay cadho kaga baxeen garoonka.

La Stampa waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo Guddoomiyaha kooxda ee Andrea Agnelli uu sheegay in uu taabacsan yahay Pirlo oo uu sii joogi doono kooxda, shaqadiisuna badqab tahay, farriintanna uu soo gudbiyey agaasimaha ciyaaraha Juventus ee Fabio Paratici, in haddana ay wax waliba isbeddelayaan oo aanay badqab ahayn shaqada Andrea Pirlo.

Si kastaba, Juventus ayaa beenisay in wax aflagaaddooyin iyo cay ah ay ka dheceen qolkeeda labbiska sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANSA.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More