Chelsea Oo Barbarro Dirqi Ah La Gashay West Brom, Silva Oo
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa barbarro dirqi ah oo ay xilli dambe u dagaallantay waxay la gashay West Brom oo ay ku kala baxeen 3-3.Chelsea ayaa lagaga yaabsaday saddex gool oo darandoori ah oo 27kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaarta ay West Brom ka dhalisay, waxaase ay isasoo habaysay qaybtii dambe oo ay iska soo celisay goolasha laga dhaliyey, hase yeeshee Tammy Abraham ayaa shimbirkooda noqday daqiiqaddii ugu dambaysayna u dhaliyey goolka u badbaadiyey dhibicda.Daqiiqaddii 4aad ayay West Brom dhalisay gool uu…