Waa Kuma Xiddiga Aadka Muhiimka Ugu Ah Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa war wanaagsan ka helaysa xerada tababarka ee kooxdeeda kaddib markii la shaaciyay inuu tababarka kusoo laabtay daafaca midig ee muhiimka u ah kooxdaas ee Dani Carvajal.

Xiddiga heer caalami ee ree Spain ayaa ahaa mid kusoo dhibtooday dhaawac muruqa ah tan iyo bishii January balse jimcihii shalay ayuu awooday inuu tababar fudud la qaato Alvaro Odriozola iyo Mariano Diaz.

Dib u dhacii ugu dambeeyay ee ku yimid dhaawaca Carvajala ayaa ahaa 14-kii bishii February markaas oo uu dib u dhaawacmay kulan ay Valencia kahor tagayeen, 29 sano jirkaas ayaa markale isku dayi doona inuu xulashada tababare Zinadine Zidane diyaar u noqdo kaddib kulamada caalamiga ah.

Aragtida Real Madrid ee hadda ayaa ah in Carvajal uu toddobaadkan gudihiisa bilaabo tababarka buuxa kaddibna uu qayb ka qaato kulamada adag ee kooxda kusoo socda.

Kaddib kulamada caalamiga ah, Los Blancos ayaa kahor tagaya Eibar, Liverpool, Barcelona iyo haddana Liverpool markale mudo laba toddobaad gudahood ah.

Wargeyska AS ayaa sheegaya in Carvajal uu daqiiqado ka ciyaari doono kulanka Eibar ee ugu soo horreeya kaddibna uu kusoo bilaaban doono kulamada Liverpool iyo Barcelona.

Sidoo kale tababare Zidane ayaa isha ku haya xaalada Toni Kroos iyo Fede Valverde kuwaas oo iyaguna dhaawacyo yar-yar qaba balse aan ka qayb qaadan tababarkii Jimcihii shalay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More