Ciidanka gaarka u tababaran ee Kenya oo toogtay Rag ku

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya ayaa maanta oo Sabti ah toogtay 5-ruux oo ay ku eedeeyeen in ay dil geysteen oo ay hubeysnaayeen isla markaana ay diideen in ay isu dhiibaan inta uu socday howlgalka ka dhanka ah Raggaan.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in Ciidamada gaarka u tababaran ee Kenya oo ka duulaya xoga amni oo ay heleen in ay ku baxeen Magaalada Mombasa kadibna ay arkeen shanta la tuhmay balse ka dhega-fureystay soo jeedinta Askarta.

Taliyaha Booliiska Nyali Daniel Mumasaba ayaa warbaahinta u xaqiijiyeen howlgalkaas dhacay Sabtida, keliya waxa uu kusoo hadalkiisa kusoo koobay in 5-ta ruux ee la toogtay lagu tuhmayo dambiyo dilal ah ugu dambeyn ay toogteen ciidamada gaarka u tababaran.

Kenya waxaa ku badan kooxaha burcadda ah ee dhaca, dilka & dhaawaca u geysta dadka rayidka, ciidamada ammaanka ayaa mararka qaar ka dul-dhaca kooxahaas iyaga oo amar u heysta in qofkii diida in uu is dhiibo toogta.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa Warsaxaafadeed ku sheegay in howlgalka ka dhanka ah Burcadda uu sii soconaya, ilaa inta wax laga qabanayo dhibaatooyinka ay u geystaan Dadka rayidka ah oo cabasho dhowr ah u gudbiyay Saldhigyada Booliiska.

Ciidamada Kenya ee sida gaarka u tababaran ayaa sidaan oo kale howlgallo qorsheysan ka fuliyay Deegaannada Soomaalida ee soo xiga xad beenaadka, waxaana ay la xiriiriyeen dadkaas in ay katirsan yihiin Al-Shabaab sida dhowr jeer ay sheegtay Xukuumadda Nairobi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More