UK: “Waa in xal degdeg ah laga gaarayaa Muranka
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Barwaaqo-sooranka Boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay xaaladda Cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan muranka hareeyay qabsoomidda doorashooyinka nuuceeda ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Ingiriiska ay garab-siineyso hirgelinta heshiis Doorasho oo si wadajir ah loo wado, isla markaana uu sal u yahay is afgaradkii 17-kii September 2020 oo ah xalka keliya ay isla garteen Hogaamiyayaasha…