Waa maxay Aragtida Xildhibaannada ee Ajendaha loo

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah uu Baarlamaanka ugu shaqeynayo ayaa ka hadlay guuxa ka dhashay fadhigooda maanta oo kusoo beegmay waqti xasaasi ah & hadal heynta la xiriirta muddo dheereysiga Dowladda waqtigeedu dhammaaday in ay damacsan tahay.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxa uu sheegay in aqalka Baarlamaanka lagu wareejiyay Ciidamo hubeysan oo aysan gareyn sababta keentay in lasoo dul-dhigo maadaama madax sare aan lagu wargelin isla markaana qodob xasaasi ah lagu wargelin.

Mahad ayaa Madaxtooyada ku eedeeyay in Aqalka Baarlamaanka la wareegtay oo waqtiga ay doonto furaneyso isla marka markaana marka ay damacdo joojineyso kulamada Golaha Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

“Baarlamaanka waxa uu noqday Aqalka marka uu doono Hogaamiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo furto, marka uusan rabin xirta waana nasiib darro usoo hoyatay Hay’adda Sharci dejinta” Xildhibaan Mahad Salad.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa dhankiisa sheegay in isku dayga muddo dheereysiga uu fashilmay 6-dii Febaraayo 2021, balse xiligaan xaaladda Xasaasiga ah lagu jiro aysan suuragal noqon karin waqti kordhin uu Golaha Shacabka sameeyo.

“Hay’adaha Dastuuriga waqtiga wuu ka dhammaaday mana bannaana muddo dheereysi mana la keeni karo, isku dayga waqti dheereysiga waxa uu fashilmay 6-dii Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu Warbaahinta u sheegay in keliya Ajandeha la shaaciyay uu u tagay fadhiga, balse waxa uu suurageliyay in Xildhibaannada ay kulanka ka dhex sameyn karaan soo jeedin.

“Toban Xildhibaan & ka badan ayaa soo jeedin kara haddii ajande lagu soo darayo kadib waxaa la mariyaa xeer hoosaadka oo cod ayaa loo qaadayaa, Ajendaha waa labo nuux mid waa kan la shaaciyo kan kale waxa uu ku yimaadaa Mooshin ka dhex dhasha Fadhiga oo sidaas soo jeedin ku yimaada” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More