Sideed Xiddig & Afar Tababare Oo U Sharaxan
Sideed ciyaaryahan ayaa u tartamaya abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishaan Maarso.Xiddigaha sharaxan waxaa ka mid ah daafaca dhexe ee Chelsea Andreas Christensen, weeraryahanka Leicester City Iheanacho oo bishaan Maarso dhaliyay shan gool isagoo seddexleey ka dhaliyay Sheffield United.Weeraryahanka Tottenham Harry Kane oo isna shan gool dhaliyay bishaan ayaa sharaxan si la mid ah xiddiga West Ham Jesse Lingard, xiddiga Man City Riyad Mahrez.Waxaa sidoo kale sharaxan goolhayaha Leeds Illan Meslier,…