CAJIIB: Miyay Liverpool Soo Laabashadii Kulankii Barcelona Oo Kale Ku
Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa isbar-bardhig ku sameeyay kulanka ay caawa gegida Anfield kusoo dhawaynayaan dhigooda Real Madrid iyo midkii ay Barcelona guusha weyn ee soo laabashada ah kaga gaadheen halkaas laba sano kahor.
Kooxda difaacanaysa Premier League ayaa caawa soo dhawayn doonta dhigeeda difaacanaysa La Liga iyadoo lugtii hore ee ka qabsoontay gegida Alfredo Di Stefano ay 3-1 kusoo guuleysatay kooxda ree Spain.
Robertson oo ka hadlaya haddii ay caawa Real ku samayn karaan soo laabashadii Barca oo kale ayaa sheegay in Madrid ay tahay kooxda ugu khibrada badan tartanka isla markaana aysan caawa garoonka joogin jamaahiirtii sida weyn u caawiyay kulankii Barcelona.
Andy oo ka hadlayay shirka jaraa’d ee ka horreeya kulanka ayaa yidhi “Labada kulanba (Kulamada Barcelona iyo Real Madrid) waa kuwo kala duwan”
“Barcelona waxa ay ahayd habeen cajiib ah manay noqoteen wax suurogal ah la’aanta jamaahiirta, sawaxanka ay sameeyeen….Berrito (Maanta) ma haysano midaas anaga oo kahor tagayna kooxda ugu khibrada badan tartanka, waa koox cajiib ah, shaqo weyn ayay anaga noo tahay”
Dhinaca kale Robertson ayaa xiddigaha kooxdiisa ku booriyay inay horumar ka sameeyaan qaab ciyaareedkoodii ciyaartii hore oo ahaa mid xun.
“Lugtii koowaad waxay ahayd mid niyad jab leh, heerka qaab ciyaareedku ma ahayn heerkii ay ahayd inuu ahaado, waxaanu siinay saddex gool oo fudud kuwaas oo laga hortagi karayay laakiin waxaanu soo dhalinay gool anaga oo marti ah kaas oo ahaa faa’idada kaliya ee habeenkaas”
Your browser does not support the audio element.