Beesha Caalamka oo Baaq kasoo saartay shirka Afisyoone
Muqdisho (Axadle) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan, xilli maanta mar kale uu baaqday shirkii Afisyoone ee arrimaha doorashada, kaasi oo sidoo kale shalay aan dhicin.
“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha…