Qore: Yusuf Said HersiSunday June 14, 2026
Siyaasadda Soomaaliya waxay maanta taagan tahay meel adag oo aan ka soo noqosho fudud lahayn: dalka ayaa u baahan hoggaan mideyn kara aragtiyaha kala duwan ee mucaaradka, isla markaana dowladda kula xaajoon kara masiirka siyaasadeed ee qaranka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dhismaha heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
- Advertisement -
Waxaa sii xoogeysanaya hadal-heynta ah in Guddiga Samatabixinta ama Guddiga Mustaqbalka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in ay doorataan hoggaamiye leh adkaysi siyaasadeed, karti uu dadka isugu keeno, iyo awood uu ku hago mucaaradka hal dariiq. Magacyada sida joogtada ah loo hadal hayo waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaas oo taageerayaashoodu ku sifeeyaan siyaasiyiin waayo-aragnimo leh oo leh mowqif cad.
Dhanka kale, Sheekh Shariif Ahmed waxaa inta badan lagu tilmaamaa siyaasi nabadda jecel, isu-soo-dhoweeye ah, isla markaana aan lagu aqoon siyaasad colaadeed. Si kastaba, waxaa jira aragti kale oo oranaysa in mowqifkiisa siyaasadeed ee hadda uu qayb ahaan isu soo dhaweeyay kii Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo dadka qaar ay ku fasireen in si dadban uu u taageerayo jihada siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Fekerkaas ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira isku-duubnaanta mucaaradka iyo sida ay u saameyn karto awooddooda wadaxaajood.
Mucaaradku maanta uma baahna oo keliya magac caan ah; waxay u baahan yihiin qof awood u leh inuu isu keeno kooxaha kala duwan, yareeyo shakiyaasha is-dhex yaallay, kana dhiso hannaan wadajir ah oo ay ku wajahayaan dowladda. Hoggaamiyaha noocaas ahi waa inuu ku dhisan yahay wada-hadal iyo xal-raadin, halkii uu ka dooran lahaa isjiid-jiid siyaasadeed oo abuura kala fogaansho dheeraad ah.
Hadafka ugu weyn waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhinacyada mucaaradka lagu fadhiisiyo miiska wadatashiga qaran, si heshiis waara looga gaaro arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga. Soomaaliya waxay ka faa’iidaysan kartaa heshiis siyaasadeed oo ballaaran, halka khilaaf joogto ah uu dib u dhigi karo dowlad-dhisidda iyo xasilloonida dalka.
Sidaas awgeed, su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya cidda hogaamineysa mucaaradka, balse waa nooca hoggaamineed ee dalka ka saari kara marxaladda cakiran. Haddii la helo hoggaamiye mideeya mucaaradka, isla markaana dowladda ku qancin kara wada-hadal dhab ah, waxaa suuragal noqon karta in Soomaaliya ay gaarto heshiis siyaasadeed oo waara kana gudubto wareegga khilaafaadka soo noqnoqda.
Yusuf Said Hersi[email protected]