Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday
Liverpool ayaa xalay 3-0 ku xaaqday kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa garoonka Emirates Stadium. Waxaan eegeynaa xiddigii garoonka, qiimeynta ciyaartoyda iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaangeliyay kulankaan.XIDDIGA GAROONKAFabinho (Liverpool). Qaab ciyaareed kale oo la jecleystay ayuu soo bandhigay xiddiga reer Brazil. Wuxuu ahaa Jeneraalka khadka dhexe isagoo qaab ciyaareed fiican oo sifaham ah la ciyaaray Thiago Alcantara. Wuxuu qaab ciyaareedkiisii fantaastiga ahaa ku su sii daray caawimaadii uu ka sameeyay goolkii…