Ronaldo Oo La Dagaalamay Goolhaye Szczesny, Feedhkii Uu Gidaarka Ku
Cristiano Ronaldo ayaa cadho badan muujiyey dhamaadka ciyaartii ay Juventus 3-1 ku garaacday Genoa Axaddii, taas oo aanu isagu wax gool ah dhalinin.
Saddexda gool ee Juventus ayay kala dhaliyeen Dejan Kulusevski, Alvaro Morata iyo Weston McKinnie iyadoo Ronaldo uu awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto.
Xiddiga Portugal ayaa aad u careysnaa intii ay ciyaarta socotay ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto.
Wargeyska La Gazetta dello Sport ayaa sheegaya in 36 jirkaan uu aad uga carooday qaar ka mid ah asxaabtiisa oo ay ku jiraan Giogio Chiellini iyo Federico Chiesa ka dib baasas xun oo ay sameeyeen.
Waxaa sidoo kale la sheegay inuu la dagaalay goolhaye Wojciech Szcesny kaasoo kubad banaanka u bixiyay madaama xiddiga ciyaaryahan Genao ah uu dhulka jiiftay dhaawac dartiis, wuxuu ku yiri goolhayaha: “10 ayay yihiin, waa qasab inaan weerarno.”
Ronaldo ayaa dhulka ku tuuray maaliyada Juventus ka dib ciyaarta taasoo muujineysay sida uu u careysnaa, inkastoo uu tuuray dhanka wiilka kubadaha soo qabta oo ka codsaday.
Carradii ayaa gaartay meeshii ugu sareysay ka dib ciyaarta isagoo feer ku duleeliyay darbiga qolka labiska.
Tababare Andre Pirlo ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uu careysnaa madaama uu wax ku dari waayay 25ka gool ee uu ka dhaliyay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan.
Pirlo ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Wuxuu careysnaa sababtoo ah gool ma uusan dhalinin.
“Waa wax iska caadi ah in qof isagoo kale ah uu doonayo inuu mar walba horumar sameeyo. Uma maleynayo in la ganaaxi doono, waa wax dhaca in waqtiyadaan oo kale ku soo maraan.”
Your browser does not support the audio element.