Manchester United Oo Koox Iibsaneysa, Magaca Kooxda & Horyaalka Ay Ka

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay ku jirto wadahadal ay ku iibsaneyso kooxda ka dhisan horyaalka Australia ee A-League ee lagu magacaabo Central Coast Mariners iyagoo qorsheynaya inay u raraan magaalada Sydney.

Sida ay sheegtay jariirada Sydney Morning Herald, Manchester United ayaa durbaba wadahadal dheer kula jirta milkiilaha kooxda Mike Charlesworth, waxayna shaaca ka qaadeen qorshahooda ay ku doonayaan inay ka dhigaan Mariners kooxda labaad ee Red Devils.

Central Coast Mariners waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale xumo, waxayna ku faa’idi doonaan maalgashiga Manchester United, laakiin kooxda Ingariiska ayaa dooneysa inay ka soo tagaan gurigooda Gosford oo ay u soo guuraan magaalada weyn ee Sydney.

Weli laguma heshiinin qiimaha ay Man United ku iibsaneyso kooxda horyaalka Australia ka dhisan, laakiin ma noqon doonto qiimo sidaas u weyn marka loo eego lacagta ay heysato Man United.

Majalada Forbes ayaa dhawaan Manchester United ku qiimeysay kooxda afaraad ee ugu qanisan dunida iyadoo hantideeda lagu qiimeeyay 3.05 bilyan ginni waxay ka danbeeyaan Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich.

Xiriirka kubada cagta Australia ayaa lahaan doona go’aanka ugu danbeeya ee heshiis kasta oo la gaaro laakiin waa kaliya marka ay qorshaha Manchester United ansixiyaan inta badan kooxda ka dhisan horyaalka Australia ee A-League.

Laakiin warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay inaysan taasi dhibaato noqon doonin madaama kooxda 20ka jeer hanatay Premier League ay kaliya sarre u qaadi doonto sumcada horyaalka.

Haddii Man United ay ku guuleysato qorshaheeda waxay raaci doontaa wadadii kooxda ay xafiiltamaan ee Man City.

City Football Group ayaa iibsatay kooxda reer Australia ee Melbourne Heart sannadkii 2014. Kooxda ka dhisan horyaalka A-League ayaa markii danbe magaca laga bedelay loona bixiyay Melbourne City.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More