Jesse Lingard Oo Sharad Kaga Guuleystay kabtankiisa, Maxay Ku
Lacag badan ayaa ka baxeysa jeebka kabtanka West Ham Mark Noble ka dib markii Jesse Lingard uu wacdarro dhigay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Leicester City.
Sharad ayaa dhexmaray labada nin markii uu Lingard amaah uga soo wareegay Manchester United bishii Janaayo.
Kabtanka West Ham Noble oo 33 sanno jir ah ayaa yiri: “Markii ugu horeysay ee uu kooxda yimid, waxaan kula sharatamay isaga haddii uu sideed gool dhaliyo inaan ka bixin doono qarashka hal habeen uu ku joogayo huteelka Corinthia.
“Sidaasi darteed labadii gool ee uu isbuucaan dhaliyay waxay ii sababi doontaa in lacag badan ay iga baxdo.
“Inkastoo aan ku faraxsanaa inuu dhaliyay goolasha hadana waxay igu kalifeysaa inaan lacag badan bixiyo.”
Huteelka Corinthia oo ku yaala wadnaha London waxaa habeenkii lagu seexdaa ugu yaraan 500 ginni.
Laakiin Noble ayaa ku faraxsan inuu lacagtaas ku bixiyo Lingard kaasoo qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaya West Ham oo soo gashay kaalinta afaraad islamarkaana ku riyooneysa inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe.
Labadii gool uu dhaliyay Axadii waxaa ka horeysay gool cajiib ahaa uu dhaliyay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Wolves Isniintii la soo dhaafay, halka uu sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii ay barbaraha 3-3 la galeen Arsenal ka hor ciyaarihii caalamiga.
Tareenka West Ham ayaa ah mid aan joogsi laheyn inkastoo ay ka dhaawacan yihiin xiddigo muhiim ah.
Xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Declan Rice ayaa ka maqan tan iyo kulankii Arsenal halka weeraryahan Michail Antonio uu seegay kulankii ay ka badiyeen Leicester City.
Your browser does not support the audio element.