Maxaa Iska Beddelay Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Horyaalka Premier
Tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta looguma kala tegin sida horyaalka waqti horeba ay jeebadda u gashatay Manchester City, waxaana isku dheggan oo ku loollamaya ciyaartooyo waaweyn oo ay muuqato in illaa maalinta ugu dambaysa ay isku dhegganaan karaan.Murashaxiinta ay u badan tahay in midkood ku guuleysan doono tartanka kabta dahabka ah ayay hadda ugu horreeyaan laacibiin ka tirsan kooxaha Tottenham, Liverpool, Manchester United iyo kuwo kale, waxaana durba ay tirada goolashu afka saareen 20 gool, taas oo muujinaya in…