MW Farmaajo awood sharci ma u leeyahay inuu Saadiq xayuubiyo darajadda?
Hogaamiyaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) darajadiisa ciidan, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.
Hogaamiye Farmaajo ayaa sidoo kale Saadiq Cumar ka xayuubiyey dhammaan xuquuqdii uu ku lahaa ciidamada amniga Soomaaliya.
Xil ka qaadista iyo duudsiinta xuquuqda ayaa timid kadib markii Jeneraal Saadaq John uu shaaca ka qaaday inuu dib u dhigay kulan loo balansanaa…