Barcelona Iyo Real Madrid Oo Ka Baxay Tartanka Erling Haaland &
Labada kooxood ee reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa ka baxay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Netherlands ee Erling Haaland, kaddib markii ay soo baxday mushaharka uu dhab ahaan u doonayo in uu sannadkii ka helo kooxda yuu u saxeexayo.Real Madrid iyo Barcelona oo uu taabtay dhaqaale burburka ku yimid dunida, ayaan awoodi karin in ay bixiyaan mushaharka uu laacibkani dalbanayo oo dhan €35 milyan oo Euro, kaas oo ay sii dheer tahay lacagta ay Borussia Dortmund ku iibinayso iyo lacago kale oo waali ah oo ay…