Shaxda Rasmiga Ah Man United vs Granada – Ole Oo Sameeyey Isbedello

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Granada lugta labaad ee wareegga siddeedda Europa League, iyadoo lugtii horena kusoo badisay 2-0.

Weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford ayaa lagu soo daray liiska kooxda inkasta oo uu jiro shaki dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii hore ee Granada, isla markaana uu 72 daqiiqadood ciyaaray kulankii Tottenham ee usbuucii hore.

United ayay ka maqan yihiin Luke Shaw, Scott McTominay iyo Harry Maguire oo dhamaantood ganaaxyo hal ciyaar ah ku fadhiya, halka Anthony Martial iyo Phil Jones ay dhaawacyo yihiin. Sidoo kale Eric Bailly oo kasoo bogsaday fayraska Korona ayaan wali loo ogolaanin in uu kooxda ka mid noqdo.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa gebi ahaanba liiska ka saaray Marcus Rashford oo uu hore ugu soo darsaday, waxaana uu weerarka kusoo bilaabay Mason Greenwood iyo Edinson Cavani.

Waxa kale oo khadka dhexe kusoo bilowday, Paul Pogba, Bruno Fernandes, Nemanja Matic iyo Fred, halka difaacana ay joogaan Lindelof, Tuanzebe, Telles iyo Wan-Bissaka.

Goolka ayuu kusoo laabtay David de Gea oo noqday goolhayaha kulamada yaryar, halka Dean Henderson oo Premier League booskiisa ka samaysay uu kaydka ku jiro.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

MANCHESTER UNITED XI: De Gea, Wan-Bissaka, Telles, Tuanzebe, Lindelof, Fred, Matic, Fernandes, Pogba, Greenwood, Cavani.

Kaydka: Grant, Henderson, Fish, Williams, Diallo, James, Mata, Van de Beek, Elanga, Rashford, Shoretire.

GRANADA XI: Rui Silva, Foulquier, Gonalons, German, Kenedy, Machis, Neva, Montoro, Vallejo, Herrera, Soldado.

Kaydka: Aaron, Arnau, Nehuen, L. Suarez, Puertas, Victor Diaz, Molina, Isma Ruiz, Torrente.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More