PSG Oo Doonaysa In Neymar Uu Saxeexo Heshiis Cusub Ka Kulanka
Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay dhamaystirto qandaraasyo cusub oo ay ka saxeexdo xiddigaheeda Neymar iyo Kylian Mbappe, kuwaas oo heshiisyadooda ka hadhsan yihiin min hal sano.
- Advertisement -
Kooxda reer France ayaa qorshaheedu yahay in ugu yaraan hal ciyaartoy uu qalinka u qaato heshiis cusub inta aan la gaadhin kulamada semi-finalka Champions League ee la ciyaarayo dhamaadka bishan aynu ku jirno ee April.
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa la fahamsan yahay in uu yahay midka ay fududdahay in heshiis cusub uu saxeexo marka loo eego Kylian Mbappe oo isagu indhaha ku haya in uu ka ciyaaro dibedda Faransiiska.
Inkasta oo ay kooxdu filayso in Mbappe uu ugu dambaynta ku negaan doono Parc des Princes oo uu saxeexi doono heshiis cusub, haddana waxay ku horreynayaan Neymar si uu qayb uga qaato in uu Mbappe ku qanciyo inuu sii joogo.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa Faransiiska, PSG ayaa wada-hadallo heerkoodu sarreeyo kula jirta Neymar, waxaanay u dhow yihiin in ay isla meel dhigaan heshiis cusub oo ay u badan tahay in la dhamaystiro inta aka horreysa kulamada semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Man City dhamaadka bishan.
Faahfaahinta laga helayo heshiiskan ayaa la sheegay in uu socon doono illaa sannadka 2027ka, kaas oo haddii ay dhab noqoto ka dhignaan doona in uu mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhamaysanayo kooxdan.
Warka ayaa intaa ku daray in heshiiskan la dhamaystirayo inta ka horreysa April 28.
Tallaabada xigta ee ay PSG qaadayso ayaa waxa uu yahay in ay u jeedsadaan Kylian Mbappe oo ay isagana tamartooda oo dhan iskugu geyn doonto sidii ay ula saxeexan lahaayeen.
Your browser does not support the audio element.