Rikoodhadii La Diiwaangeliyey, Fadeexadda Mourinho, Xiddigii Garoonka
Manchester United ayaa ka daba timid Tottenham oo gool kala hormartay, waxaanay ugu beddeshay saddex kulan xiise badnaa oo labada kooxood ku ciyaareen garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
- Advertisement -
Red Devils ayaa awood u yeelatay in ay samayso guul soo laabasho ah, isla markaana ay 3-1 ku garaacdo Spurs oo qaybtii hore uu Son u dhaliyey gool.
Fred, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ayaa qaybtii dambe saddexda gool u dhaliyey Manchester United.
Rikoodhadii iyo xaqiiqooyinkii ciyaarta
Tababare Jose Mourinho ayaa guulo la’aan noqday dhamaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee garoonkiisa, waana markii ugu horeysay ee ay sidaasi ku dhacdo, iyadoo saddex laga badiyey labana ay barbarro ku galeen. Kaddib 12 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo uu ku badiyey garoonkiisa, Jose ayaa shan kulan oo isku xigta aan wax guul ah ku helin.Mourinho ayaa markii ugu horreysay toban guul-darro loo xambaariyey xilli ciyaareed gudihii, mana dhicin in sidan oo kale toban jeer looga badiyo intii uu tababaraha soo ahaa.Manchester United ayaa guuleysatay 96 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah iyadoo lagala hormaray gool, waxay siddeed jeer ka badan tahay Tottenham oo kusoo xigta oo 88 ciyaarood oo horyaalka ah badisay iyadoo gool lagaga horreeyey.Edinson Cavani ayaa noqday ciyaartoyga labaad ee goolasha ugu badan madax ku dhaliyey xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaanu saxeexay shan madax, iyadoo uu hal gool ka dambeeyo Calvert-Lewin oo lix gool madax ku dhaliyey.Taariikhda horyaalka Premier League, Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee 23 ciyaarood oo ay marti ahayd aan laga badinin, waxaanay soo badiyeen 15 kulan iyo siddeed barbarro. Arsenal oo kaliya ayaa rikoodh ka wanaagsan samaysay sannadihii u dhexeeyey 2003-2004 oo 27 ciyaarood oo ay marti noqdeen aan guul-darro la kulmin. Ole ayay tahay in uu afar ciyaarood oo kale oo uu bannaanka ku dheelayo guul-darro iska ilaaliyo si uu Arsenal usoo qabto.
23 – In English top-flight history, Manchester United’s current 23-game unbeaten run away from home in the league (W15 D8) is bettered only by a 27-game run from Arsenal between April 2003 and September 2004. Relentless. pic.twitter.com/0zdqkknY5A
— OptaJoe (@OptaJoe) April 11, 2021
Xiddigii garoonka
Edinson Cavani ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxaana uu helay qiimaynta ugu sarraysay kulanka oo darajadeedu tahay 9, mana jirin laacib kale oo sameeyey tiro sidaas u badan dhamaan labada kooxood.
Cavani ayaa gool la diiday dhaliyey qaybta hore, waxaana uu sabab u ahaa goolka koowaad ee kooxdiisa oo kubbad uu ku toogtay oo Lloris soo tufay uu shabaqa ku celiyey Fred, ka hor intii aanu Cavani madax ku dhalin goolka labaad.
Ciyaaryahanadda Manchester United oo dhan ayay qiimayntoodu sarraysay, waxaanay dhamaantood heleen darajada 7 marka laga reebo Pogba iyo Greenwood oo min 8 helay.
Tottenham ayaa bandhigga ciyaartoygeedu uu fadeexad ahaa, mana jirin ciyaartoy la tilmaami karo oo si fiican u ciyaaray.
Toddoba ciyaartoy ayaa qiimaynta ugu hoosaysa wada helay, waana Lloris, Aurier, Dier, Reguilon, Lo Celso, Hojbjerg iyo Kane oo min 5 ka helay qiimaynta kulanka.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Tottenham: Lloris (5), Aurier (5), Dier (5), Rodon (6), Reguilon (5), Lo Celso (5), Ndombele (6), Hojbjerg (5), Moura (6), Son (6), Kane (5).
Beddelka Sissoko (5), Lamela (NA), Bale (NA)
Man Utd: Henderson (7), Wan-Bissaka (7), Lindelof (7), Maguire (7), Shaw (7), Pogba (8), Fred (7), McTominay (7), Fernandes (7), Rashford (7), Cavani (9).
Beddelka: Greenwood (8), Matic (NA)