Shaxda Rasmiga Ah Ee AS Roma vs Man United – Yaa Kusoo Bilowday Yaase

Manchester United ayaa ku sugan garoonka Olimpico Stadium ee magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay marti ugu tahay AS Roma oo ay ku wada ciyaarayaan lugta labaad ee semi-finalka Europa League.

United oo lugtii hore  kusoo badisay 6-2, kana daba timid Roma oo laba gool kala hormartay, ayaa waxay kusoo gashay shax ka beddelan middii ay toddobaadkii hore guusha ku heshay.

Tababare Solskjaer ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Donny van de Beek oo beddelay Scott McTominay oo kaydka ku jira, sidoo kalena Marcus Rashford ayaa kaydka ku jira oo uu kasoo hormaray Mason Greenwood, halka goolhaye Devid de Gea uu tartankan oo kaliya ciyaarayo.

Xiddigihii kulankii hore min labada gool iyo labada caawimood sameeyey ee Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes ayaa kusoo wada bilowday, waxaanay kaalmo ka heli doonaan Paul Pogba oo isaguna qaab ciyaareed fiican muujiyey isagoo sooman.

Dhinaca Roma, waxa ugu soo bilowday xiddigihii Manchester United, Man  Metropolis iyo Chelsea ee Dzeko, Mkhitaryan, Pedro iyo Smalling, waxaana sidoo kale ok;u jira Pellegrini oo gool dhaliyey kulankii hore.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

MANCHESTER UNITEDXI: De Gea, Shaw, Maguire, Bailly, Wan-Bissaka, Fred, Van de Beek, Fernandes, Pogba, Greenwood, Cavani.

Kaydka: Grant, Henderson, Lindelof, Mata, Rashford, Diallo, Alex Telles, Matic, Williams, Tuanzebe, McTominay, Elanga.

ROMA XI: Mirante, Karsdrop, Smalling, Ibanez, Bruno Peres, Cristante, Mancini, Pedro, Pellegrini, Mkhitaryan, Dzeko.

Kaydka: Boer, Fuzato, Santon, Mayoral, Kumbulla, Bove, Ciervo, Darboe, Zalewski.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More