Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa war cusub kasoo saaray ismariwaaga Soomaaliya
New York (Axadle) - Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin ismariwaaga siyaasadeed iyo ismaandhaafka ka dhex jira madaxda Soomaalida ee ku aadan hanaanka doorashada.
Xubnaha Golaha Amnigu waxay sheegeen in khilaafaadka socda ee ku saabsan hanaanka doorashada aysan wiiqi doonin oo keliya horumarka la sameeyay laakiin ay sidoo kale ka weecin doonaan dhibaatooyinka socda; oo ay ku jiraan daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19 iyo khatarta al-Shabaab.
Waxay…